𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐟𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚.
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa si sharaf iyo maamuus leh u guddoonsiiyay Shahaadada Diiwaangelinta Mihnadda Caafimaadka (Registration Certificate) saddex dhaqaatiir oo khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leh mihnadda caafimaadka, kuwaas oo sannado badan si hagar la’aan ah ugu soo adeegayay dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Dhaqaatiirta shahaadada la guddoonsiiyay ayaa kala ah:
Dr. Ali Bashi Omar Haji
Dr. Ibrahim Sheikh Mohamed Omar (DrDasuuqi)
Dr. Abdirahman Ali Basha Omar (DrGuuleed)
Guddoonsiinta shahaadadan waxay ka tarjumaysaa aqoonsiga rasmiga ah ee mihnaddooda, aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda caafimaad, iyadoo sidoo kale xoojinaysa muhiimadda ay leedahay in xirfadlayaasha caafimaadku ku shaqeeyaan hannaan nidaamsan, masuuliyad leh, isla markaana waafaqsan heerarka iyo shuruucda mihnadda caafimaadka.
Dhaqaatiirtani waxay door muuqda ka soo qaateen adeegga caafimaadka, daryeelka bulshada iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadda caafimaad, iyagoo muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed.
Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Mudane Maxamed Maxamuud Cadow, ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka iyo kaalinta muuqata ee dhaqaatiirtani ka geysteen u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in khibraddooda iyo waayo-aragnimadoodu ay yihiin hanti muhiim u ah horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐟𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚.
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐢𝐡𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.
